Isku xirnaanta Dowlada iyo Ururada Samafalka
NGO YADA
Oct 13, 2016Walaalayaal, mudanayaal ASCWW,
WAXAAN si gaar ah halkaan uga salaamayaa mudanayaasha kala ah Mudane Cali Aadan Tasamma iyo Mudane Abdikariim Cabdulle Heykal oo isaga noosoo gudbiyay macluumaad aad muhiim u ah, jazaaka Allah kheyran. In kastoo aad moodo in Halganka wadaniyiinta Somalia in uu habac weyn galay, hadana halgan ma istaago.
WAXAAN rabaa in aan iraahdo NGO yadaan uu soo gudbiyay Mundane Heykal iyo habka iyo hanaanka dowlad dimoqoraadi ah xagee kala taaganyihiin???.
Koow:
daraasada ngo yada waxaan ku bandhigi doonaa link u gaar ah ee hordhacaan raacsan. 1- dowlad ama dowladnimo maxaa tiir u ah ? Waxaa tiir u ah: dad aqoon leh iyo heyadihii lagu howl geli lahaa
2- ka qeyb qaadashada howsha qaranka iyo ku dhiiri gellinta muwaadinka dalkiisa in uu ka qeyb qaato dhismahiisa.
3- dhiira gelinta jiritaanta ururada bulshada sida haweenka, dhallinyarada iyo shaqaalaha iwm.
4- In lagu dhaqmo nidaamka kala sooc la'aanta bulshada.
Ee Hadaba ma ka jiraan intaas maanta Somaaliya?
Hadii guud ahaan intaas la helo ayaa lagu doodi karaa in la raadiyo nidaamka maxaliga loo yaqaan ( decentralization) sida:
1- siyaasada oo la deegaameeyo,
2- bee'ada oola deegaameeyo (oon ula jeedo: sida warshad marka la sameeynaayo ama la dhisaayo loo eegu meesha ay ku haboon tahay oon deegaanka waxbo u dhimeyn iwm). Iyo
3- dhaqaalaha oo la deegaameeyo.
Markaas ayaa la heli karaa waxa loo yaqaan dowlanimo iyo dowlad! ?????
Oo dowlanimo maxaa waaye, dowladna maxaa waaye....?????????
Dowlanimo waa: Governance. Dowlad waa : Government
1- dowladnimo maxay ku fadhidaa:
(a) waa habka doorashada xurta ah, waa Boliis iyo abaabulka nidaamka ee
(b) waa xaq dhowrka sharciga bino aadamka, xuriyada qofka iwm.
(c) xogta iyo macluumaadka oo si xur ah leysu dhaafsado,
(d) sharci dejinta maxkamadaha iyo ku dhaqankooda
(e) aqoonsiga jiritaanka ururada bulsha iyo taqsusaadkooda
Oo marka waa maxay dowlada?.......?????????
Waa mida fulisa qorsha dowladnimo:
1- waa mida bixisa qarashyada dowlada ee sida masruufka dowlada iyo daqliga dowlada.
2- waa hirgelinta wax barashada
3- waa hirgelinta caafimaadka
4- waa hirgelinta biyaha
5- waa hirgelinta korontada iyo
6- waa wax soo saarka beeraha, warhsadaha iyo wixii la mid ah.
Hadaba waa maxay Dimoqaraadiyada ???????????
1- in la helo Duqeyda deegaanka,
2- in la helo golaha deegaanka
3- in la helo nabad-sugida deegaanka
4- in la helo maamul deegaan
Oo maxaa lagu qiyaasi (measuring scale)??????
1- in muwaadin kastaa uu la xisaabtami karo masuulka
2- muwaadin kastaa isu arko inuu isaga leeyahay dalkiisa oo aan laga xigin
3- ka qayb qaadasho iskaa wax u qabso degaankaaga, dowladaada iyo dadkaaga iyo gobolkaaga.
4- hufnaan aan waxbo lagu kala qarsan iyo sed-buursi la'aan.
5- wax ku ool nimo (effectiveness)
6- sugida amaanka mujtamaca aad la nooshahay
Mudanayaal Cabdikariim Heykal iyo Mudane Cali Aadan Tasamma hadii NGO yada aad soo gudbisay ay ku shaqaynayaan habkaan iyo hanaankaan WAXAAN filayaa in Somaali gaari doonto hurumar la taaban karo,weliba si degdeg ah.
BALSE SUAAL AYAAN QABA ANIGA TAAS OON GOLAHAAN U SOO JEEDINAAYO:
YAA II QEEXI OO SI WANAAGSAN OO FAAH FAAHSAN IIGU QEEXI WAA MAXAY SOMALINIMO YAASE SOOMAALI AH WAA MAXAY SOOMAALI NIMADA..???????????
AXMED MASCUUD

Comments
Post a Comment